Gudoomiyihii Bankiga Dhexe Marwo Yusur Abraar ayaa looga yeeray magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub, si wax looga weydiiyo arrimaha la xiriira is casilaadeeda.
Yusur Abraar oo shalay ka ambabaxday magaalada Muqdisho ayaa istiqaaladeeda 30-kii October u gudbisay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Is casilaadeeda ayaa noqday hadal heynta ugu badan ee dowladda dhexdeeda, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayeen waxa kalifay inay is casishay.
Marwo Yusur ayaa xilkan heysa 7-isbuuc kaliya, iyadoo labo todobaad ka hor ay Muqdisho timid, waana haweeneydii u horeysay ee Madaxweynaha u magacaabo xilka Gudoomiyaha Bankiga Dhexe.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Midowga Yurub oo shirkii New Deal ee September dowladda Soomaaliya ugu deeqay lacag gaareysa labo bilyan oo doolar uu wax ka weydiin doono sababaha ay isku casishay iyo hadii ay jiraan musuq maasuq dowladda dhexdeeda ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Yusur Abraar ayaa markii u horeysay isku arkay shirkii New Deal “Hiigsiga Cusub” ee bishii September lagu qabtay magaalada Brussels.
Warar soo baxayay ayaa sheegaya in Yusur Abraar ay qoraalkeeda is casilaada ku xustay in culeys badan lagu saaray inay u madax banaanaato howshooda, isla markaana ay durba markii ay xafiiska timid ay caqabo kala kulantay xubno ka tirsan dowladda.
Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in Yusur Abraar ay diiday in lacago dowladda loo soo wareejin lahaa la soo marsiiyo Bankiyi ku yaala Dubai, taa bedelkeed ay si toos u dalbatay in la soo marsiiyo Bankiga Dhexe, laguna soo xareeyo.
Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay bishii July ayaa lagu xusay in musuq maasuqu uu halkiisii ka socday iyadoo ay xilka la wareegtay dowlad cusub, waxaana QM ay sheegtay in 80-% lacagta laga saaro Bankiga dhexe loo adeegsado si gaar ah.
Inkastoo aanay wali si rasmi ah hadal u siin warbaahinta Yusur Abraar, ayaa hadana waxaa la leeyahay hadal kasta oo ay bixiso kuna saabsab qaabka is casilaadeeda wuxuu dowladda ku keenayaa culeys badan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaan doonto in qof aqoon u leh howlaha Bankiga dhexe ay magacawdo, gaar ahaan xubin ka soo jeeda beesha Yusur Abraar iyo Gudoomiyihii hore ee Bankiga Dhexe C/salaan Hadliye.
Jowhar