Wafdi sare oo ay hogaamineyso Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya, halkaasi oo uu ka furmi doono Shir seddex geesood ah oo looga hadli doono arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadankaasi .
Shirkani oo furmi doona 10 bishan November ayaa waxaa ka wada qeyb galaya Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee dowladda Federaalka Soomaaliya H.E. Fawzia Yusuf H. Adam , Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda Kenya H.E. Amina Mohamed iyo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Laanta qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR), waxaana kulankani looga hadli doonaa qaabkii loo maareyn lahaa qorshaha dib u celinta iyo dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha kala duwan ee ku yaala wadanka Kenya.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya oo tiradoodu lagu qiyaaso 535,000 ruux, ayaa la qorsheynayaa in dib loo dejiyo deegaanadii ay horey uga barakaceen, iyadoo la fulinayo qorshaha qaran ee dowladda ee arrimahaasi ku saleysan.
Wafdiga dowladda Soomaaliya u matalaya shirkaasi oo ay ka qeyb yihiin agaasimayaal iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Avv. Hersi Haji Olosow, diblomaasiyiin, lataliyeyaal iyo madaxa hab-maamuuska qaranka.