Haweenka Puntland oo Soo Saaray Bayaan ay ku Dalbanayaan in Laga Qeyb Galiyo Siyaasadda

0
1271

Haweenka Puntland ayaa soo saaray bayaan ku aadan ka qeyb galka haweenka ee dhanka siyaasadda Puntland, kadib shir ay galabta ku yeesheen magaalada Garoowe, ayna ka soo qeyb galeen ururada bulshada rayidka ah.

Baaqaan oo ciwaan looga dhigay ka qeyb-galka masraxa siyaasadeed ee haweenka Puntland ayaa waxaa soo saaray haween la magac baxay dhaq dhaqaaqa haweenka talo wadaag, iyagoo uga hadlay yoolka siyaasadeed ee haweenka Puntland.

Talooyinkii ay soo jeediyeen haweenku ayaa dhammaantood ku qotomay in haweenka lagu tixgeliyo ka qeybgalka siyaasadda, gaar ahaan jagooyinka ay u ogolaatay diinteenna suubban, waxayna u qornaayeen sidan.

1-in xubnaha cusub ee baarlamaanka Puntland oo laga soo xulayo gobollada in haweenka laga siiyo ugu yaraan 16 xubnood.

2- in haweenka lagu daro guddiga xallinta khilaafaadka lagana siiyo 30% ugu yaraan.

3- in golaha xukuumadda Puntland haweenka laga siiyo ugu yaraan 30%

4- in dastuurka Puntland lagu sameeyo dib u eegid, laguna caddeeyo qoondada haweenka ugu yaraan 30%

Intaas ka dib ayaa haweenku waxay ku baaqeen in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabad-gelyada guud ee deegaannada Puntland, si ay u dhacdo doorasho xalaal ah oo ka qabsoonta Puntland.

Bayaankan ayaa ku soo beegmaya xilli muddo laba bilood ah ay ka dhimantahay waqtigii doorashooyinka madaxtinimo ee Puntland.

Radio Muqdisho

HaweenkaPuntland20131102_4 HaweenkaPuntland20131102_1 HaweenkaPuntland20131102_2 HaweenkaPuntland20131102_3