Hey’adda Maareeynta Masiibooyinka Puntland Oo Sheegtay Inaan Tirakoob Rasmi Ah Laga heynin Qasaarihii Ka Dhashay Duufaanta

0
924

RoobabPuntland20131112Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ee maamulka Pumtland ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda aan tira koob rasmi ah laga heyn qasaarihii ka dhashay duufaantii ku dhufatay deegaanno ka tirsan maamulkaasi, iyagoo ugu baaqay hay’adaha gargaarka in dadkaasi gurmad lala soo gaaro.

Gudoomiyaha hay’adda Maareeynta Masiibooyinka ee maamulkaasi C/llaahi C/raxmaan Cabdi oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in qasaarihii ka dhashay roobabkii dabeylaha watay ee ka da’ay deegaanno ka tirsan maamulkaasi aan ilaa iyo hadda laga heynin xog rasmi ah islamarkan weli ay wadaan baaritaanno arintaasi la xiriiirta.

Mudane C/laahi C/raxmaan Cabdi gudoomiyaha hay’adda Maareynta Masiibooyinka ee maamulka Pumtland ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Puntland uu jawaab deg deg ah ka bixiyay markii ay masiibadani dhacday islamrkaan iyadoo maamulku ilaa iyo hadda uu wado howlo loogu gurmanayo dadkii ay waxyeelada soo gaartay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha hay’addasi ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay u istaagaan sidii gar gaar deg deg ah ay ula gaari lahaayeen walaalahooda ku dhibaateysan deegaannada maamulka Puntland si dadkaasi loo samata bixiyo.

 

Radio Muqdisho