Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ayaa sheegaya in howl galo ballaaran ay saaka ka socdaan Xaafada Howlwadaag ee Galbeedka magaalada, halkaasoo guri guri ay baaritaan ugu sameynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Howl galkan ayaa waxaa horkacaya saraakiisha ammaanka Maamulka Gobolka Hiiraan, waxaana uu jawaab u yahay weerarkii shalay lagu qaaday Saldhiga Booliska magaalada Beledweyn.
Isu socodka gaadiidka iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi ee qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada ayaa xiran, iyadoo ciidamada ay yihiin kuwo aad u feejigan oo dhinacyada wadooyinka ay taagan yihiin.
Sarkaal u hadlay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howl galada ay soconayaan inta laga soo qabanayo kooxihii wax ka abaabulay weerarka iyo halkii ay ka yimaadeen.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa bar koontaroolo hor leh ka sameystay magaalada Beledweyn, kaasoo ammaanka lagu sugayo.
Dhinaca kale saddex ruux ayaa xalay u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray qaraxii shalay, kuwaasoo lagu daweynayay Isbitaalka ay leeyihiin Ciidamada Jabuuti ee ku yaala duleedka magaalada.
Tiro dhaawacyo ah oo xaaladooda ay liidato ayaa la filayaa in maanta loo soo qaado magaalada Muqdisho.
Jowhar