Howlgalo dad badan lagu soo qabqabtay oo saakay laga sameeyay Marka

0
952

AlshabaabLaQabteyWararka ay ka helayso saakay magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in howlgal balaaran oo ay sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku soo qabqabteen dad badan.

Sida warku sheegayo dadka la qabqabtay ayey saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ku eedeeyeen inay ka mid yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaliya iyo ciidamada shisheeye ee dalka Soomaaliya ku sugan sida kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga magaalada Marka ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka uu yimid ka dib markii kooxo hubeysan ay weeraro bambaano ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo marayey gudaha magaalada Marka, wuxuuna intaasi ku daray inay gacanta ku soo dhigeen rag ka tirsan Al-shabab oo gudaha magaalada ku dhuumaaleysanayey sida uu yiri.

Guddoomiye ku xigeenku waxaa kale oo uu sheegay inay sii wadi-doonaan howlgalka ilaa iyo inta ay ka sifeynayaan gudaha Marka dagaalyahanada Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay Guddoomiye ku xigeenka oo dhinaca kale sheegay in dadka la soo qabqabtay dhammaantood aysan aheyn Al-shabaab balse ay kala saari doonaan, ciddii ay ku waayaan Al-shabaabnimana ay sii deyn doonaan.

Warkii