Itoobiya oo ka hadashay sababta ay ciidamadeeda ugu biirayaan AMISOM

0
1330

CiidamadaItoobiyaDowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay waxay faahfaahin ka bixisay sababta ay ciidamadeeda ugu biirayaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay inay tahay oo keliya sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Itoobiya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay ciidamadooda ugu biirayaan kuwa AMISOM ay tahay inay ciidamadooda sii dardargeliyaan la dagaalanka Xarakada Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay doonayan in marka ay AMISOM ku biiran ay Al-shabab ka saaraan Koonfurta Somaliya.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in ciidamadooda ay horey uga sii socon doonaan deegaanada ay hadda joogaan dagaalyahanada Al-shabab, wuxuuna xusay in guud ahaan Soomaaliya ay ka saari-doonaan sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay inay u diyaargaroobeen dagaal adag oo ay la galaan Al-shabaab.

Dhinaca kale afhayaheen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo lagu magacaabo Dina Mufti ayaa isna sheegay inay bilaabayaan qorshe la isugu dhafayo ciidamadooda iyo kuwa kale ee AMISOM, wuxuuna hadalka Itoobiya uu imaanayaa iyadoo dhawaan ay dowladda Itoobiya shaacisay inay ciidamadeeda Soomaaliya jooga ku biirineyso howlgalka nabad ilaalinta ee ay ciidamada AMISOM ka wadaan gudahaSomaliya.

Warkii