Khadiijo M. Diiriye “R/wasaaraha hadii uu waayo codka kalsoonida, Madaxweynaha R/wasaare soo magacaabaa”

0
912

KhadijoMaxamedDiiriye1Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa faah faahin ka bixisay sababta ay mooshinka kaga gudbiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), iyadoo ku dhaliishay xukuumada inay ku fashilantay waxyaabihii loo igmaday.

Khadiijo ayaa sheegtay in Xukuumada ay lix bilood ka hor ay mooshin ka soo gudbiyeen, balse ay ka laabteen, hase ahaatee xilligan Baarlamaanka iyo Xukuumada ay wada shaqeyn la’aan ka dhaxeyso.

“Mooshinka aan ka soo gudbinay wuxuu ka dambeeyay wada shaqeyn la’aan Xukuumada iyo Baarlamaanka, waxaa muuqata in Xukuumada hal shey ay wax ka qaban weysay, go’aano badna oo baarlamaanka gaareen ayay fulin weysay”ayay tiri Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sidoo kale waxaa ay tilmaamtay in hadii Ra’iisul Wasaaraha uu waayo codka kalsoonida uu Madaxweynaha sida qaanuunka qabo uu ku soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare.

“Mooshinka kalsooni kala noqoshada hadii Ra’iisul Wasaaraha waayo xukuumada meesha waa ka baxeysaa, Madaxweynaha ayaa soo magacaabaya Ra’iisul Wasaare soo dhisa Xukuumada, hadii uu helana itaal kasta oo ay leedahay iyada shaqeyneyso”ayay tiri.

Mooshinkan oo shalay loo gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka ayaa waxaa saxiixay ilaa 168-xildhibaan oo ka badan saddex meel labo meel oo ah in taas suura gelin karto hadii cod ahaan loo helo in Ra’iisul Wasaaraha uu waayo codka kalsoonida.

Inkastoo uu jiray khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadana la rumeysan yahay in mooshinkan uu gadaal ka riixayo Madaxweynaha, kadib markii ay ku adkaatay in Ra’iisul Wasaaruhu ka dhaadhiciyo inuu is casilo.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa inay bilaabato dooda Baarlamaanka Soomaaliya ee la xiriirta arrinta mooshinka laga gudbiyay Ra’iisul Wasaare Saacid.

 

Jowhar