Khilaaf ku saabsan is bedelka Xukuumada oo soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha

0
926

XasanSheekhAndSaacidMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa mar kale soo kala dhex galay khilaaf cusub oo ku saabsan is bedelka Xukuumada, iyadoo khilaafkan si aad ah looga dareemay xafiisyada labada Mas’uul.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in kala aragti duwanayaasha labada dhinac ay aad u xoogan tahay, gaar ahaan arrinta is bedelka Xukuumada.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu dalbaday in is bedel guud uu dhaco, sida Ra’iisul Wasaaraha iyo macal Xukuumada inay meesha ka baxaan, oo uu Ra’iisul Wasaaruhu is casilo.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu diiday dalabka Madaxweynaha ee ahaa inuu is casilo Ra’iisul Wasaaraha si uu is bedel u dhaco, iyadoo arrintan ay aad u kala fogeysay xafiisyada labada dhinac.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay ku canaanatay dowladda Soomaaliya is bedel la’aanta Xukuumada, iyadoo muddo afar bilood la sugayo wali isku shaandheyn horay madaxda ugu dhawaaqeen in Xukuumada lagu sameynayo, balse taas ay wali dhici la’dahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa todobaadkii hore u gudbiyay Madaxweynaha liiska xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee uu isku shaandheeyay, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa dib u soo celiyay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in liiska uu gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha oo tira ka laba jeer lagu soo celiyay uu ka saaray Faarax C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada oo aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga yaabaa in saameyn ballaaran uu ku yeesho hey’adaha dowladda dhexdooda, iyadoo ay soconayaan kulamo ay si kala gaar gaar ah ula leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee khilaafkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo sanad kadib soo kala dhex gala Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Saacid, iyadoo dhowaan Ra’iisul Wasaaruhu mar uu hadlay uu beeniyay wararka sheegaya inuu is casilayo, isla markaana xilkiisa uu ku eg yahay sanadka 2016.

Jowhar