Maamulka Degmada Mahadaay Oo Ka Deyriyay Xaaladda Dadkii Ku Barakacay Fatahaadda Wabiga

0
867

FatahaadJohar20131029_1Maamulka degmada Mahdaay ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa ka deeyriyay xaaladda dadkii ku barakacay fatahaaddii wabiga Shabeelle uu ka geeystay deegaanno hoos taga degmada Mahaaday.

Gudoomiyaha degmada Mahadaay Shariif Abuukar Cumar oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in tirsada dadka ku barayakay fatahaadda webiga uu ka sameeyeeyay deegaannada hoos taga degmadaasi ay gaarayaan Kow iyo Toban Kun oo Qofood oo u dhiganta sida uu sheegay Sadex Kun oo qoys.

Shariif Abuukar Cumar gudoomiyaha degmada Mahdaay ayaa tilmaamay in barakacayaashi aysan heysan baco, teendhooyin ama waxyaabo kale oo ay ka dugsadaan kana galaan kaneecada.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadkaasi ay u baahanyihiin gargaar dhinac walba ah, maadaama ay faratahaadda wabigu ka soo barakicisay deegaannadoodi, wuxuuna intaasi ku daray in dadkaasi ay u badnaayeen kuwo noloshooda maareeyn jiray oo ahaa Beeraleey soo saari jiray noocyo kala duwan oo dalag ah.

Gudoomiyaha ayaa ka digay in haddii aan wax laga qaban xaaladda dadkaasi ay halis ugu jiraan iney u geeriyoodaan gaajo iyo cudurro kala duwan, wuxuuna codsaday in lala soo gaaro gurmad deg deg ah.

Radio Muqdisho