Maamulka Shamow Hotel Oo Qalab Sports Gudoonsiiyay Kooxda LL PP Jeenyo

0
1229

Xaflad balaaran oo qalab Sports lagu gudoonsiinayay kooxda heerka 1-aad ee Jeenyo ayaa ka dhacdey hotelka Shaamow ee Muqdisho, iyadoo qalabkaasi ay ugu talo galeen Shamow Group oo had iyo jeer dhiiri geliya ciyaaraha dalka gaar ahaan kooxda LL PP Jeenyo.

Xaflada ayaa waxaa lagu casuumey Agaasimaha guud ee wasaaradda Adeega bulshada,Aweys Sh. Xadaad, Agaasimaha waaxda Sportiga Saacid Baariyow, Gudoomiyaha GOS C/laahi Axmed Tarabi, ku-xigeenka GOS Ibraahim Shaamow,Ku-Simaha xiriirka ciyaaraha fudud Khadiijo Aaden Daahir, Xubin GOS Abuukar Islow, Legend Jeenyo Ahna la taliyaha gudoomiyaha GOS Axmed Nuur Maxed Xaashi (Seyga ruushka) Legend Jeenyo Mulki Nuur Muudey, taageerayaal, ciyaartoy iyo bahda saxaafadda.

Ugu horeyntii waxaa taariikhda iyo kaalinta Shamow Group ku lahaayeen dhiiri gelinta sportiga, gaar ahaan kooxda LL PP jeenyo ka sheekeyey Caamir Shakeeti oo xusey in had iyo jeer walaalaha Shamow ay taageeri jireen kooxda Jeenyo xagga qalabka iyo agabyada kalena ay ugu deeqi jirtey tan iyo sanadkii 1982-kii.

Gudoomiyaha xiligaan kooxda LL PP Jeenyo Jubba Ciise ayaa halkaasi ka faah-faahiyey tan iyo markii kooxda ay qaadatey magaca Jeenyo tartamadii kala dwanaa ee ay ka qeybgaleen, isagoo xusey in xiligaan ay ka mid yihiin kooxaha 8-da ahaa ee heerka koowaad ee ka qeeybgalaya horyaalka 2013 ee ka socda garoonka Banaadir.

Axmed Nuur Seyga Ruushka ayaa isaguna ka sheekeeyey taariikhdii waayihii uu u ciyaarayey kooxdaasi LL PP jeenyo, isagoo sheegey in 1970-76-kii uu ka mid ahaa xidigihii soo maray,wuxuuna hoosta ka xariiqey in Jeenyo lagu yiqiiney is jaceeyl iyo horumarinta kooxda oo Masuliyiin uu ugu horeeyey Allaha u naxariistee Nuur Jeenyo ka mid ahaa dadkii magaceeda kor u qaadey.

Gudoomiyaha Olympikada Soomaaliya iyo Agaamiha guud ee wasaaradda Adeega Bulshada C/laahi Axmed Tarabi iyo Aweys Sheekh Xadaad ayaa halkaasi si weeyn ugu mahadceliyey Bahda Shaamow Group kaalinta ay kaga jiraan dhiirigelinta iyo taageerida ciyaaraha dalka, gaar ahaan kooxdaasi Jeenyo oo ay klu can baxeen beri samaadkii.

Labada masuul ayaa ku dhiiri geliyey shirkadaha iyo Ganacsatada kale ee dalka Soomaaliya inay ku deydaan Shamow Group oo ay ka shaqeeyaan sidii loo dhiiri gelin lahaa ciyaaryahannada iyo kooxaha qeybaha kala duwan ee Sportiga dalka.

Radio Muqdisho

ShamoDeeqJeenyo20131112_2 ShamoDeeqJeenyo20131112_1 ShamoDeeqJeenyo20131112_4 ShamoDeeqJeenyo20131112_3