Maamulka Ximan iyo Xeeb ee bartamaha Soomaaliya ayaa billaabay howlgal lagula dagaallamayo jarista dhirta deegaannadaasi.
Taliye ku xigeenka ciidamada daraawiishta maamulka Ximan iyo Xeeb, Aadan Maxamed Socdaal, oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay howlgalladooda ku soo qabteen afar qof, oo dhir jaris ka sameynayay deegaannadaasi.
Waxa uu sheegay in haatan dadkaasi la soo qabtay ay ku xiran yihiin xabsiga degmada Cadaado, isla markaana caddaaladda la hor keeni doono.
Waxa uu taliye ku xigeenku xusay in ay sii wadi doonaan howgalka lagu baacsanayo dadka jara dhirta deegaannadaasi.
Aadan Maxamed Socdaal ayaa ugu baaqay shacabka in ay maamulka kala shaqeeyaan ilaalinta dhirta deegaanka, si looga hor tago nabaad guurka.
Bar-kulan