Madaxda ugu sareysa Safaarada Soomaaliya ee dalka Kuwait, iyo Kooxda SIYD ee ka dhisan dalka Britian balse booqasho is-dhex gal ah ku joogta wadanka Kuwait, ayaa lagu marti qaaday xarunta Wasaarada dhalinyaradda iyo Isboortiga dalka Kuwait, halkaasi oo ay kula kulmeen Wasiirka Wasaaradaasi Major General Faisal Musaid Al-Jazzaf iyo Howlwadeeno kale oo ka tirsan dowlada dalka Kuwait.
Wafdiga Soomaalida ee booqday xarunta Wasaarada dhalinyaradda iyo Isboortiga dalka Kuwait ayaa waxaa hor-kacaayay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Mudane Cabdulqaadir Amiin, iyadoona ay wehliyeen Qunsulka guud ee Safaarada Soomaaliya dalka Kuwait Mudane Abiib Muuse Faarax, iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Safaarada, waxaana booqashadaan qeyb ka ahaa Madaxda Wafdiga Isboorti ee ka socda Jaaliyada UK iyo Kooxda SIYD.
General Faisal Wasiirka Wasaarada Dhaliyaradda iyo Isboortiga dalka Kuwait ayaa wafdigaan kusoo wareejiyay qeybaha kala gedisan ee xarunta Wasaarada, iyadoona markaasi kadib kulan saacado qaaday oo la isku dhaafsanayay warbixino kala gedisan uu dhex maray Wafdiga Soomaalida iyo Wasiirka Wasaarada dhalinyaradda iyo isboortiga dalka Kuwait.
Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiyaha SIYD Xuseen Deeq oo warbixin ka siiyay Wasiirka safarka ay ku yimaadeen dalka Kuwait, iyo kulamadii kala gedisnaa ee dalka kuwait cayaar saaxibtinimo oo kubada cagta ah kula cayaareen kooxo ka tirsan dalka Kuwait iyo kuwa jaaliyaddaha Soomaalida, taasi oo ay ugu gol-leeyihiin is-dhex gal dhinaca bulshada ah, isagoona xusay in safarkooda uusan aheyn kii ugu horeeyay, isla markaana uusan noqon doonin kii ugu danbeeyay.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Mudane Cabdulqaadir Amiin oo isna halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa dowlada Kuwait iyo shacabkeeda uga mahadceliyay walaalnimada iyo soo dhaweynta ay had iyo jeer u sameeyaan umadda Soomaaliyeed, isagoona xusay in dadaalada soo dhaweyn iyo taageerid ay dowlada kuwait u sameyso shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aan marnaba la ilaawi doonin.
Wasiirka Wasaarada dhalinyaradda iyo Isboortiga dalka Kuwait Major General Faisal Musaid Al-Jazzaf oo ugu danbeyntii kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahey booqashada iyo walaalnimada had iyo jeer u dhaxeysa labada dowladood Soomaaliya iyo Kuwait “kusoo dhawaada dalka Kuwait had iyo jeerna waan idin soo dhaweynaynaa, waana ku faraxsan-nahey in aan arko dhalinyaro yar yar oo u heelan isboortiga, runtii isboortiga waa mid ka qeyb qaata is-dhexgalka iyo nabada, guusha aad gaarteena waan idin kugu Hambalyeynayaa” Ayuu yiri.
Ugu danbeyntii Wasiirka Wasaarada dhalinyaradda iyo Isboortiga dalka Kuwait Major General Faisal Musaid Al-Jazzaf, ayaa halkaasi bilado ku guddoonsiiyay qaar ka mid ah dhalinyaradii, isboortiga, wafdigii la socday iyo xubno ka tirsan Howlwadeenada Safaarada Soomaaliya ee dalka Kuwait.
Radio Muqdisho