Wararka sakaa aan ka helayno Degmada Taleex ee Gobolka Sool ayaa ku waramaya in Halkaas uu ku wajahanyahay Madaxwayne Xigeenka Puntland Gen Cabdisamad Cali Shire, iyo wafdi xoogan oo uu hogaaminayo.
Gen Cabdisamad ayaa u tagaya taleex baajinta arimaha shir Khaatumo ay ku qaban lahayd Taleex, iyadoona aan la ogsoonayn waxa xigi doona.
Ciidamo aad u farabadan ayaa weheliya madaxwayne xigeenka Puntland, iyagoona la sheegayo in deegaano kala duwan ay ku kala suganyihiin hataan Ciiidamadaas, sida uu inoo xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Puntland.
Gen Cabdisamad ayaa xalay saq dhexe ka anbabaxay Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland, iyadoona Xaalada deegaamadii shalay ay degantahay.
Allpuntland