Madaxweynaha J.F.S Mudane Xasan Sheekh ayaa soo gabagabeeyey booqasho labo maalin ah ee uu ku joogay Kismaayo

0
918

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gabagabeeyey booqasho labo maalin ah ee uu ku joogay magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.

Madaxweynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaaladda Kismaayo ayaa kulamo la qaatay maamulka KMG ee Jubba, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Ururadda Bulshadda, Dhalinyaradda iyo dhammaan bulshadda qeybaheeda kala duwan.

Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka oo kulanka ka hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku ammaanay dulqaadka iyo kalsooni gelinta shacabka Jubbooyinka iyo sidoo kale la tashiyadda Madaxweynahu horay ugu tegey qaar ka mid ah goboladda dalka Somaaliya

Madaxweynaha oo boqolaal dadweynaha kula hadlay xarunta jamaacadda ee Magaaladda Kismaayo ayaa sheegay qorashaha Dowladda iyo mowqifkeedda ku adaan gobolada Jubbooyinka Isla-markaana shacabka Goboladda Jubbooyika ammaan u jeediyey.

Kulan Madaxweynaha Soomaaliya uu la qaatay Maamulka KMG ee Jubba ayaa waxaa la isku afgartay in ay kasoo qeyb galaan shir Muqdisho ka furmi doono maalinta berri.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh oo ay la socdaan Wasiirka Arrimha Gudaha, Xildhibaano iyo Masuuliyiinta Maamulka KMG ee Jubba ayaa kormeer ku tegay dekadda magaaladda Kismaayo.

XasanSheekhInKismayo20131101_2 XasanSheekhInKismayo20131101_1 XasanSheekhInKismayo20131101_4 XasanSheekhInKismayo20131101_3