Madaxweynaha Soomaaliya oo ka baaqday shirkii Kuwait sababo la xiriira arrimaha khilaafka

0
893

XasanSheekhInDubai20130911_3Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday shir madaxeedka Carabta iyo Afrika ee ka furmaya dalka Kuwait, iyadoo uu shirkaas ka qeyb galayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Jowhar.com Madaxweynaha ayaa ka qeyb galka shirkaas uga baaqday arrimaha khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha u dhaxeeya, taas ayaa sabab u noqotay inuu ka baaqdo shirka.

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa maanta lagu wadaa inay u ambabaxaan dalka Kuwait, iyadoo ay uga sii horeysay Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Shir madaxeedka seddexaad ee carabta iyo afrika ayaa halku dhigiisu yahay dowladaha wadaaga ku ah horumarinta iyo maalgeshiga, iyadoo Soomaaliya ku soo bandhigi doonto kheyraadkeeda iyo sida loogu maalgashan karo dalka.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ka dhashay markii uu Madaxweynuhu ka dalbaday inuu is casilo Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana uu diiday, waxaana khilaafkan uu saameeyay hey’adaha dowladda.

Jowhar