Madaxweynaha Xasan “Muwaadin kasta waa inuu helaa Caafimaad tayo leh”

0
943

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegey in qodobadii ka soo baxay shirweynihii Qaran ee Caafimaadka in Dowladdu ay dhaqangelineyso si caafimaadka dalka loogu sameeyo dib-u-habeyn.

Shirweynaha caafimaadka dalka oo mudada sedax maalin ka socday magaalada muqdisho ayna ka qeyb galayeen quburo iyo xirfadlayaasha caafimaadka ayaa waxaa laga soo saaray shan qodob oo saldhig u noqonaya horumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya. Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Horumarinta Addeega Bulshada ayaa waxaa lagu casuumay dhaqaatiirta iyo xirfadleyda Soomaaliyeed ee ku howlan arrimaha caafimaadka oo ay ka mid ahaayeen macallimiin jaamicadaha caafimaadka dalka.

Qodobada ka soo baxay shirka ayaa ahaa in la hagaajiyo maamulka iyo maareeyntiisa, Istraatejiyad iyo Siyaasad Caafimaadka Dalka, Sharciyada caafimaadka, hoggaanka, iyo in la xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha caalamiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo soo xiray shirweynaha caafimaadka ayaa yiri “Dowladdu ahmiyad gaar ah ayey siineysaa tayeynta caafimaadka oo ah aasaaska nolosha iyo in dowladdu ay dhaqangelin doonto shanta qodob ee aad ka soo saarteen shirweynahan muhiimka ah.”

“Waxaan balan qaadeenaa wixii karaankeena ah in aan ku kabno hooyada, canuga iyo waayeelka soomaaliyeed in uu caafimaad helo iyo in qof waliba oo soomaali ah uu meesha uu joogo uu ka helo meel uu daawo u doonto marka uu xanuunsado” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Shirweynahan ayaa ka mid ahaa shirar ay dowladdu horey u qabatay oo looga hadlayey arrimaha muhiimka ah. Ujeedada shirarkan qaran ayaa ah in shacabka laga qeybgaliyo tallooyinka muhiimka ah si ay dowladdu u dhaqangeliso fikir Soomaaliyeed oo ay khubaradii Soomaaliyeed falanqeeyeen, ka doodaan, go’aanno muhiim ahna ka soo saareen.

XasanSheekh20131110_4 XasanSheekh20131110_3 XasanSheekh20131110_2 XasanSheekh20131110_1 XasanSheekh20131110_5