Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in arrinta aanay wax is bedel ah dowladiisa ku sameyn karin, isla markaana ayy tahay wax ku qoran dastuurka oo aanay marnaba qaloocin karin, isagoo cadeeyay in Federalismka uu daawo u yahay mushkilada ka jirta Soomaaliya.
Khudbad uu shalay ka jeediyay Xarunta Jaamacada Kismaayo oo uu kula hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada ayuu waxaa uu ku sheegay in siyaasada dowladda ay tahay mid cad oo ku wajahan barnaamijka maamul u sameynta dalka iyo Federaalismka.
“Aniga iyo wafdigeyga soo dhoweynta iyo qadarinta qiimaha badneyd ee dadka ku nool degmada Kismaayo ay inoo sameeyeen aad iyo aad uga mahadcvelineyna”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mahadceliyay soo dhoweyntii loo sameeyay.
Mar uu soo hadal qaaday shirkii maamulka Jubalanad lagu dhisay iyo khilaafaadkii ka dhashay ayuu sheegay in waxyaabihii la isku hayay ay ahaayeen siyaasad.
“Hoolkan sagaal bilood wixii ka socday wax xun ayay ahaayeen aniga ma dhihin, siyaasad waa iska halkeeda laakiin dad Soomaaliyeed oo Salaadiin, dhalinyaro, odayaal iyo culumaa’udiin iyo dad sharaf leh isugu jiraan oo meel isugu yimid ma xumaan karto, laakiin waxyaabo qaar oo siyaasadeysan oo hoos ka jiray ayaa jira”ayuu si kaftan ku jiray u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka wada qosliyay dadkii hoolka ku sugnaa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inay eegaan masaalixda dalka, isla markaana colaada jirta iyo khilaafaadka taagna la xaliyo, isla markaana heshiiska la gaaray uu noqdo xal.
“Aniga Jamhruuiyada Soomaaliya ayaa Madaxweyne ka ahay, Madaxweyne waxaa dalka ka noqon karaa marka maamul, degenaansho, amni iyo dowladnimo ka jirto dadka ay ku hoos nool yihiin sharci iyo kala dambeyn”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa mar uu soo hadal qaadan arrinta Federaalismka ayuu sheegay in wax cad oo waajib qayaxan uu yahay oo Dastuurka ku qoran, taasoo uu tilmaamay in aanay isaga iyo dowladdiisa qaloocin karin.
“Waxaa soo hartay arrinta Federaalismka ku saabsan. Wax Hada Xasan Sheekh dowladda madaxda ka yahay, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiradiisa ay maanta ka hadli karaan oo qaloocin karaan ma ahan, Waa arrin is faham iyo heshiis siyaasadeed horay u dhacay la soo gaaray, waa arrin dastuurka ku qoran, marka ma jeceshahay iyo ma jecli ma ahan ee waa mandate la fuliyo oo cad ay tahay”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo faah faahinayay arrinta Federaalka ee uu muranka ka jiro.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dalka in Federaal laga dhigo ay daawo u tahay in lagu xaliyo mushkilaadka dalka ka jira, isla markaana ay gogol xaaraan mustaqbalka jiilka dhalan doona in aanay colaad iyo khilaaf ka dhex dhicin, isla markaana wixii ay beeraan oo sax ah la qaato.
“Dalka Federaal in laga dhigo waxay daawo lagu daweynayo u tahay mushkilaadka Soomaaliya heysta. Daawada sideeda waa inaad sidii dhaqtarka kugu faray u qaadataa, ee ma ahan in sida aan laguugu farin u cunto, sida loogu tala galay in Soomaaliya u daawoota u rabnaa wadadeeda loo maro. Laakiin inta ay quseyn doonto waa inta naga dambeyn doonto kuwa dhalan doono, wax aan maanta wax u beereyno, waqti ha nagu qaadato culeys iyo is qab qabsi waa dood furan waxaa rabnaa inaan nidaam federaal dalkan ka dhisno mustaqbalka Soomaaliya nidaam ku saleysan oo hal ah oo aan la kala tagi karin inaan sameyna rabnaa”ayuu Madaxweynuhu yiri.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Jubooyinka uu marxalado kala duwan soo maray, isla markaana ay ka go’an tahay in dadka deegaanka ay lahaadaan talada iyo go’aanka, isla markaana codkooda uu shaqeeyo, si berri cida ay doonayaan ee hogaamineysa ay soo doortaan, isagoo tilmaamay in dowladdu ay aragti mideysan ka leedahay.
Hadalkan ka soo yeeray Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya, xilli uu khilaaf ka jiro arrinta Federaalismka, iyadoo Maamulka Puntland oo horay xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya uu sheegay in dowladda ay wax ka bedel ku sameysay dastuurka.
Jowhar