Maleeshiyaadka Al-shabaab oo madaafiic ku weerartay magaalada Kismaayo

0
835

AlshabaabWararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ayaa waxa ay tilmaamayaan in xalay dagaal socday mudo uu halkaasi ka dhacay .

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Somalia ayaa xalay waxa dagaal xooggan ku qaaday fariisin ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubba ay ku leeyihiin jaamacadda magaalada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha.

Dagaalka ayaa waxa uu udhaxeeyay ciidamada Maamulka KMG ah ee jubba, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo kooxda al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kagadaal markii mintidiin ka tirsan Al-habaab ay madaafiic ku garaaceen garoonka diyaaradaha iyo jaamacada magaalada Kismaayo halkaasoo saldhigyo ay kuleeyihiin ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM.

Inkastoo labada dhinac aysan weli ka hadlin qasaaraha kala gaaray ayaa waxaa la soo warinayaa inay jiraan qaasaarooyin kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Shabaab ayaa waxa ay dhowr jeer oo hore u duqeeyeen garoonka diyaaradaha iyo Jaamacada magaalada Kismaayo.

 

Somaliweyn