Mudanayaal Ka Socda Baarlamanka Oo Shir Uga Qeybgalaya Magaalada Brusselis Ee Biljimka

0
795

JeylaniIkar20130704Mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo uu horkacayo Gudoomiye ku xigeenka koowad ee barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta uu shir uga furmo magaalada Brussselis ee dalka Biljamka kaas oo looga hadlayo arrimaha xuquuqal insaanka, waxaana ka qeybgalaya gudiyada xuquuqul insaanka Soomaaliya ,Uganda iyo kan Midowga Yurub.

Xildhibanada ka qeybgalay akulankaasi oo uu hogaminayo ku xigenka 1-aad ee guddonka barlamanka Soomaaliya Jeylani Nuur Iikar oo maalmo ka hor u duulay magaalada Brussels ee caasimada Belgiumka ayaa gaarey wadankaasi si ay uga qeyb galaan kulan aqoon isweydaarsi ah oo ay wadaagayaan barlamannada dalalka Uganda, Somaliya iyo Midowga Yurub.

Gudomiyaha gudida xuququl insanka, carrurta iyo hawenka Baarlamanka Khadiija Maxed Diiriye ayaa sheegtay in aqoon isweydaarsiyada noocan ah ay badan ka faa’iideysan doonaan gudiga xuquuqul Insaanka ee Baarlamanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa marka uu soo idlaado la filayaa iney ka soo baxaan waxyaabo aad u taabanaya baarlamaanmada dalalka ka qeybgalay siminaarkaasi oo ay Soomaaliya ku jirto.

Radio Muqdisho