Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsa arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo baaritaan qotadheer oo ku saabsan arrinta gabar sheegatay in ay kufsadeen weriyeyaal ka howlgala magaalada Muqdisho.
Danjire Nicholas Kay ayaa xusay in ay Muqdisho noqotay meesha ugu badan ee looga hadlo kiisaska la xiriira kufsiga loo gaysto dumarka, sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in la helo caddeymo muujinaya in ay jiraan arrimahaas iyo in kale.
Hadalka danjiraha ayaa kusoo beegmaya iyadoo toddobaadkan ay ciidamada booliska Soomaaliya xabsiga dhigeen gabar sheegatay in ay kufsadeen weriyeyaal caasimadda.
Bar-kulan