Qarax is miidaamin oo lala beegsaday saldhigga magaalada B/Weyne

0
861

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/Weyne ee gobolka Hiirana ayaa sheegaya in goor dhow qarax is miidaamin oo xoog leh uu ka dhacay saldhigga ciidamada Booliska magaalada B/Weyne, kaddib markii uu galay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ka dhacay saldhigga B/Weyne uu geystay qasaarooyin aan rasmi ah loo xaqiijin inta uu la’eg yahay.

Qaraxa is miidaamin oo daryankiisa laga maqlayay guud ahaan magaalada B/Weyne ayaa la sheegayaa inuu geystay dhimashadii ugu badneyd ee ciidamada Dowladda loogu geysto gudaha magaalada B/Weyne iyo dhaawacyo fara badan.

Waxaa sidoo kale qaraxa is miidaaminta ah dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray dad rayid ah oo iyagu ka ag dhowaa saldhigga magaalada B/Weyne, kuwaasi oo dhaawacyadooda lagu dabiibayo isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Wixii warar ah ee ku soo kordha dib ayaan idinkugu soo gudbineynaa.

SomaliweynBeledweyne20131119