QM oo diiday in la xiro xeryaha qaxootiga Kenya ku yaala

0
1181

Qaramada Midoobe ayaa gaashaanka u daruurtay amar dhawaan ka soo baxay wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Olelenku oo ku baaqay in la xiro xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya dibna loo celiyo Soomaalida ku nool xeryahaasi.

Kitty Mckinsey oo wareysi siisay idacaadda ku hadasha codka Mareykanka ayaa sheegtay in hadalka ka soo yeeray wasiirka arimaha gudaha uu yahay midaan amar ahaan loo qaadan karin.

”Waxaan aaminsanahay inuusan jirin amar lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ” ayay tiri haweeneydaasi oo la hadlaysa VOA, ”Dowlada Kenya iyo shacabka dalkaasiba waxay deeqsi u ahaayeen qaxootiga sanadihii la soo dhaafay , waxaana heynaa sababa ogolaanaya inaan sii wadno arinta” ayay hadalkeeda sii raacisay Kitty Mckinsey.

Afhayeenada ayaa intaaku dartay in heshiiskii seddax geesoodka ahaa ee horaanta bishaan la gaaray uusan dhigeynin xirida xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Maalintii axada ahayd ayuu wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Olelenko ku baaqay in la xiro xerayaha qaxootiga ee dalka Kenya islamarkaana dib loo celiyo Soomaalida hooyga ka dhiganaya.

Dowlada Kenya ayaa bilaawday in go’aanada nuucaan ah ay u deg degto wixii ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsi ee Westgate oo ay sheegatay xarakada Alshabaab ee aan kala soocin danaha dadka ay cadawga u aragto.

Fariinta ka soo baxeysa halkaan ee Soomaalida ku wajahan ayaa waxay tahay inay is walaashadaan oo ay ka fogaadaan dagaalada keenaya inay kala hayaamaan deedna ay ku kajamaan dad aan ka dal wanaagsaneen laakiin ka shaqeeyay aayaha ummadooda.

Somaliweyn

DadaabRefugeeCamp20130411