Qoysas Barakacayaal oo Maanta Dib ugu Laabtay Deegaanadii ay ka Yimaadeen

0
1084

qaxootiQoysaskaani barakayaasha ah oo maanta dib ugu laabtay deegaanadii ay ka yimaadeen ayaa gaaraya ilaa 3 boqol oo qoys oo ku jiray kaamamka ku yaala nawaaxiga EX kontarol afgooye kuwaasi oo kamid noqonaya ku dhawaad 2 kun iyo shan boqol oo qoys oo todobaadkani gudihiisa dib ugu laabtay deegaanadooda.

Dadkani barakacayaasha ah oo u badan hawen caruur iyo dad da,ah ayaa ku sii jeeda deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolka shabeelaha hoose si ay uga faa’ideysataan wax soo saarka dalagyada beeraha,iyadoo ay gacan ka helayaan hay,adaha qaramada midoobay sida UNHCR,UNOCHA ,Mercy iyo waxgarad u istaagay abaabulka qorshayaashani la xiriira dib u celinta barakacyaasha.

Suldaan Warsame Suldan Ibraahim Caliyow Ibrow oo ka mid ah saladiinta ku howlan dadaaladasi ayaa u sharaxay warbaahinta qaranka sida ay u socdaan howlaha dib loogu celinayo dadkani oo mudo 3 sano ah ku noolaa xeryaha magaalada muqdisho.

Suldaan Warsame ayaa intaasi ku daray in ay socdaan qorshayaal ho rleh oo dhamaan barakacyaasha gobollada ay ka kala yimaadeen loogu celinayo iyo tiradooda,waxaana uu xusay in barnaamijkani ay kaalin ku leedahay Q.M.

“Maanta waxaa loo wadaa Afgooye iyo Wanleweyn,qaramada midoobay waxa ay wadaa qorshe shan degmo dib loogu celinayo barakacayasha waxana ka mid ah Qoryoley,Kuntawaareey,Marka,Afgooye iyo Wanleweyn”Ayuu yiri Suldaan Warsame.

Suldaanka ayaa intaasi in degmooyinka Sablaale,Baraawe iyo Awdheegle ay noqon doonaan wajiga labaad ee dadka barakacayaasha ah ee dib loogu celinayo deegaanadii ay ka soo barakaceen.

Qaar ka mid ah qoysaska maanta dib ugu laabtay deegaanadii ay ka yimaadeen ayaa soo dhaweeyay talaabadaasi,iyagoo codsaday in lagu gacan siiyo sidii ay u heli lahayeen agab ay u isticmaalaan wax soo saarka beeraha.

Abaarihii ku dhuftay qaar kamid ah gobolada dalka sanadkii 2011dii ayaa sabaabay in kumanaan qoys ay ku soo barakacaan magaalada muqdisho kuwaasi oo qaar ka mid ah ay dib u laabteen,halka kuwa kalana ay la qabsadeen nolosha magaalada muqdisho.

 

Radio Muqdisho