“Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray weerarkii argagixiso ee ay caawo ka gaysteen nabadiidku Hotel Makka Al-Mukarama ee Muqdisho,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo mar kale ku celiyay in falalka argagixiso ee noocan ahi aysan hakin doonin geedi socodka toosan ee ummadda, hiigsiga amaan buuxa iyo horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu si kulul u cambaareeyay weerarkan asagoo kuwa gaystayna ku sifeeyay cadowga ummadda ee diidan samaha iyo nabada.
“Waxaan dhaleecaynayaa weerarkan fulaynimo ee ujeedadiisu ahayd cabsi galinta shacbiga Soomaaliyeed,” Ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu. “Waxaa xaqiiqo ah in weeraradan qorshaysan ee argagixiso ay ka dambeyso kuwo arxan daran oo cadow ku ah qaranimada iyo horumarka Soomaaliya. Waxaanse u sheegaynaa inaysan caqabad kusii ahaan doonin ummadeena, illaahay idankiisna aan ka guulaysan doono”.
Weerar argagixiso oo qorshaysan ayaa maanta lagu qaaday hotelka Makka Al-Mukarama oo saaran wadada Makka Al-Mukarama. Weerarkaasi waxa uu gaystay khasaare nafeed iyo mid hanitiyeed labadaba. Waxaa wali socda gurmadkii lagu badbaadinayay shacbiga laguna sugayay amaanka magaalada.