R/wasaare Saacid oo ku dhawaaqay inuu soo dhisayo Gole ka kooban 23 Wasiir

0
961

Saacid20131006_2Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sheegay in Xukuumadda cusub uu dhawaan soo dhisi doono ay ka koobaan doonto 23-wasiir iyo in lamid ah taasina ay tahay hannaan lagu hawlgeli doono.

Mudane Saacid oo wareysi siinayay Telefishinka Universal ayaa sheegay in kordhinta tirada wasiirrada ay tahay mid la doonayo in howlaha xukuumadda lagu ballaariyo, isagoo sheegay in tani ay tahay isbedelka ay ku doonayaan inay isku ballaariyaan.

“Golaha wasiirrada aan soo dhisayo waxay noqon doonaan 23 wasaaradood iyo in la mid ah. Maalintii aan soo magacaabayay 10-ka wasiir xaalad ayaa jirtay, maalintaas sax bay ahayd in Soomaalida la simo, in dumar ay helaan xaqooda sax bay ahayd, balse maanta xaalad taas ka duwan ayaa jirta,” ayuu yiri ra’iisul waasaraha.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dib u dhis ay ku sameyn doonaan guud ahaan ciidamada qalabka sida, isagoo xusay in taasi ay qayb ka tahay sidii ay ugu guuleysan lahaayeen inay sugaan ammaanka dalka oo dhan.

Warkii