Inta u dhaxeysa degmada Afgooye & Shalaanbood, ayaa shalay waxaa ka dhacday arin aad loola yaabay, kadib markii Gaari Rakaab ahaa oo halkaas marayay, ay kooxo sida la sheegay ku labisnaa Dareeska Ciidamada ay dhac iyo Kufsi kula dhaqaaqeen shacabkii saarnaa Gaarigaas.
Darawalkii waday Gaarigaas, ayaa Warbaahinya Muqdisho u sheegay in markii ay marayeen inta u dhaxaysa magaalooyinka Afgooye iyo Shalaanbood ay wada u galeen kooxo hubaysan oo labisnaa darayska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in kooxaha hubaysan ay Darawalkii baabuurkaas ku amreen inay wada ka leexiyaan, darawalkaas ayaa tilmaamay in kooxaha ku labisnaa darayska ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya ay wax walka oo ay wateen rakaabkii saarnaa gawaaridaas ay ka qaateen, wuxuuna intaa ku daray inay fursi u gaysteen Haween saarnaa gawaaridaas.
Darawalka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in sadex ka mid ah Haweenkii saarnaa baabuurtaas ay kufsi u gaysteen kooxaha wada u galay gawaaridaas ee xirnaa darayska ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Sooomaaliya.
Masuuliyiinta maamulka gobolka Shabeelaha hoose wali kama aysan hadlin dhaca iyo kufsiga galabta loo gaystay rakaabkii saarnaa gawaaridaas.
Midnimo