Iyadoo waayadii danbe ay isa soo tarayeen Saraakiisha iyo Ajaanibta isaga goosaneysa Al-shabaab, ayaa markaan waxaa qaar kamid ah Warbaahinta ku hadasha Afka Shabaab, waxaa lagu faafiyay, maqaal dheer oo uu qoray Sarkaal lagu magacaabo, Abuu Yuusuf Al-qariib.
Abuu Yuusuf Al-qariib, ayaa maqaalkiisa diirada ku saaray Khilaafka xoogan ee haatan ka dhex taagan madaxda ugu sareysa Al-shabaab.
Abuu Yuusuf, oo aan si rasmi ah u sheegin halka uu haatan ku noolyahay, ayaa hogaanka Ururka Axmed Godane ku eedeeyay arimo ay kamid yihiin, inuu yahay kaligii talis, Gaaleeysiinta cid walboo fikirkiisa ka hortimaada, Fasahaad, maamul xumo, hafadkii Jihaadka oo la leexiyay, iyo waxyaabo kaloo farabadan.
Abuu Yusuf, ayaa ugu danbeyn waxa uu baaq iyo Cabasho u diray Hogaanka sare ee Al-qacida, waxana uu sidoo kale baaq u jeediyay dhalinyarada Al-shabaab ka tirsan ee ka amar qaadata Godane, ineey isaga soo tagaan.