Shabaab oo sheegtay in ay Dilayaan Cid kasta oo looga shakiyo Basaasnimo iyo Jaajuusnimo

0
890

TargetingAssasinationWararka ka imaanaya Deegaanada ay shabaab ka Taliyaan iyo Qeybo kale ayaa sheegaya in shabaab ay soo saareen Digniin ku aadan dad gaar ah oo ay sheegeen in ay ku jiraan Howlo ay ku sheegeen Basaasnimo.

Shabaab ayaa sheegay in cid walbo oo ay ku eedaysay in ay dil doonto ama gacanta ha ku hayso ama Liiskooda ha hayaan kuwaas oo ay sheegeen in ay Yihiin kuwa u shaqeeya Murtidiinta iyo gaalada oo ay waajib tahay in la Qisaaso.

Afhayeen u hadlay al shabaab ayaa sheegay in dadkaan ay soo Gudbin Doonaan magacyadooda, kuwaas oo sheegay in la Toogan Doono dhawaan, kuwa kalana ee ka Cararay shabaab ee aaday Deegaano kale iyo Dalalka Dibada ah Dil lagu Xukumay.

Sidoo kale shabaab ayaa waxay Dil iyo Qisaas iskugu dartaa cid kasta oo ay uga shakiso Basaasnimo, taasi oo Degmooyin badan iyo Muqdisho ay marar badan ka Fulisay Dilalkaas.

Shabaab ayaa waxay Dilal ka gaystaan Goobaha ay joogaan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho, kuwaas oo dadka sida gaarka ah uga soo hor jeeda Dilal ugu gaysta meel kasta oo ay rabaan, Xiligan ayaa u muuqata in Muqdisho la isku dhex milmay oo shabaab aan laga garanaynin shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

 

Somaliweyn