Shacab Farabadan oo u daawasho tagay ciyaartii adkeyd ee kooxaha Elman VS Banaadir

0
1331

Ciyaar aad u adag oo aheyd ku guuleysashada koobka Super Cup ayaa dhexmartay kooxaha Elman Fc VS Banadir Sports Club ayadoo labada kooxoodna ay kusoo kala guuleysteen koobabka horyaalka heerka Koobaad ee Dalkeenna oo ay kusoo guuleysatay kooxda Elman Fc iyo kooxda Banadir Sports Club oo iyaguna kusoo guuleystay koobka General Daa’uud.

Ciyaarta oo aad u adkeyd ayaa ka dhacday garoonka Kubadda Cagta Banadir Stadium Ex-Coonis oo ku yaala degmada C/casiis ayadoo ciyaartana ay usoo daawasho tageen dadweyne aad u farabadan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir,mas’uuliyiinta xiriirrada ciyaaraha ee Dalkeenna iyo mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda hormarinta iyo adeegga bulshada oo uu hogaaminayey Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi Mudane Maxamuud Macalin Yaxye.

Labada kooxood ayaa muujiyey ciyaar aad u adag ayadoo qeybtii horena ay hal gool ku hogaamineysay kooxda Banadir laakiin kooxda Elman ayaa qeybtii Labaad ee ciyaarta waxaa u suurtagashay iney dhaliyaan goolkooda bar bar dhaca ah waxaana daqiiqadihii loogu talagalay ciyaarta ay kusoo gebagebowday bar bar dhac oo min hal gool ah.

Si loo kala saaro ayaa loo dhigay rigoorayaal ayadoo kooxda Elman Fc ay ku adkaadeen amaba ku guuleysteen koobka Super Cup.

Ciyaartan ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa muujineysa sida Ciyaaraha ay kaalin weyn uga geystaan is dhexgalka bulshada ayadoo tanina ay ku timid isbedellada dhanka amniga ah ee ka jira caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Radio Muqdisho

 

ElmanVsBanadir20131107_3 ElmanVsBanadir20131107_2 ElmanVsBanadir20131107_1 ElmanVsBanadir20131107_4