Shir Looga Hadlay Dhibaatada Tahriibka Iyo Dib Usoo Celinta Qaxootiga Oo Lagu Qabtay Nairobi

0
1535

Tahriib20131004_1Shir looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa khatarta Tahriibka iyo dib u soo celinta Qaxootiga ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi kaas oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka socotay dowladda Soomaliya iyo saraakiil ka tirsan hey’adaha Qaramada Midoobay.

Kulankan oo ka dhacay Nairobi loogana hadlayay khatarta Tahriibka ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socta dowlada Federaalka Soomaaliya, maamullada Puntland iyo Soomaali Land iyo saraakiil ka socotay hey’adaha caalamiga ah.

Gen C/laahi Gaafoow Maxamuud oo ah taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ka qeybgalay kulankaasi ayaa madasha shirka ka sheegay in dowladu dadaal xooggan ugu jirto sidii arintaasi wax muuqda uga qaban laheyd.

“Shirkani wuxuu daba joogaa sidii dadka qaxootiga ah ee Labaatanka iyo dhworka sano aduunka ku firiray loo soo celin lahaa haddeey tahay dowladaha deriska ah iyo aduunka intaba faa’iidada uu leeyahay waxaa ka mid ah habkii loo soo celin lahaa dadkii dhibaatooday iyo sidii dhaqan wanaagsan loola yeelan lahaa iyagoo halkooda jooga’’ sidaasi waxaa yiri Gen. Gaafoow,

Shirka ayaa mudadii uu socday waxaa si weyn looga hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa qaxootiga, waxaan aarintani imaaneysaa iyadoo qaxooti farabadan oo ku nool wadanka Kenya la qorsheynayo in dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.

 

Radio Muqdisho