Shir dib-u-heshiisiin ah oo loo qabanayo bulshada ku nool gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa la filayaa in uu galabta ka furmo magaalada Muqdisho.
Kulanka waxaa ka qeyb-galaya ma’suuliyiin ka socota dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, maamulka KMG ah ee Jubba iyo wakiillo ka socda beesha caalamka, waxaana looga hadli doonaa heshiisiinta beelaha wada dega gobolladaas, dhameystirka maamulka KMG ah ee Jubba iyo hergalinta federaalka.
Ergooyin ka qeyb galaya shirka ayaa lagu wadaa in ay maanta gelinka hore ka yimaadaan magaalada Kismaayo, sida ay sheegtay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC.
Dowlada Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in shir dib-u-heshiisiin loogu qaban doono magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo beelaha dega Jubbooyinka iyo Gedo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin ka hor booqasho qaadatay labo maalmood ku tegay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula kulmay madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Madoobe iyo dadka deegaanka.
Bar-kulan