Shirweynaha dib u heshiisiinta dadka dega gobolada Jubbooyinka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho, iyadoo madasha shirka uu ka dhacayo ay soo gaareen dhamaan ergadii ka qeyb-gali lahayd shirka.
Shirweyna heshiisiinta ah ee shacbiga dega deegaannada Jubbooyinka oo ay guddiga qaban qabaada dowladda Federaalka Soomaaliya dib ugu dhigeen in uu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Muqdisho kadib markii uu dib u dhac ku yimid xubno ka mid ah Ergyada shirka ka qeyb-galeysa, ayaa lagu wadaa in saacadaha soocda uu furmo, iyadoo ay socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirkaasi.
Ergada ayaa kala mataleysa dhammaan deegaannada gobollada Jubbooyinka, waxaana u jeedada shirku yahay hirgalinta heshiis ku dhisan is afgarad iyo wax wada qeybsi buuxda.
Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabi Shakuur Cali Mire, kana mid ah guddiga qaban qaabada dowladda Soomaaliya ayaa shalay galinkii dambe warfidiyeennada u sheegay in shirka maanta uu si ramsi ah u furmayo, sida guddiga uu go’aamiyey.
Shirweynaha dib u heshiisiinta oo ay hoggaamineysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu jiro doona wareeg labaad oo ah gunaannadkiisa, kana dhici doonaa magaalada Kismaayo ee caasimadda Saddexaad ee Soomaaliya, ahna xarunta maamulka KMG ah ee Jubba.
Radio Muqdisho