Shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta la soo gaba gabeeyo, iyadoo laga soo saarayo War murtiyeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlay saddexdii cisho ee uu Muqdisho ka socday.
Shirkan oo ay ka qeyb galayeen ilaa 200- ergo ayaa waxaa garwadeen ka ahaa Gudi Wasiiro ah oo uu Gudoomiye u ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo rajo ka muujiyay in shirkan ay ka soo baxaan go’aano dhaxal gal.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in ergooyinka ka qeyb galayay shirka ay muujiyeen ifafaalo ku aadan sidii ay isu soo dhowaan lahaayeen, isla markaana u qaadan lahaayeen dib u heshiisiin.
Waxaa uu ugu baaqay dadka deegaanada Jubooyinka inay aqbalaan natiijooyinka ka soo bixi doona shirkan, isla markaana ay u diyaar garoobaan shirka labaad ee lagu qabanayo magaalada Kismaayo.
Mar uu ka hadlayay qodobada shirka looga hadlayay labadii maalmood ayuu tilmaamay in la isla soo qaaday nabadeynta, maamul wanaaga iyo isku dhafka ciidamada sidii maleeshiyaadka loo qarameyn lahaa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibada Itoobiya oo garwadeen ka ahaa heshiiskii Addis Ababa uu ka soo qeyb geli doono xiritaanka shirka maanta.
Munaasabada lagu soo gaba gabeynayo shirka maanta ayaa sidoo kale ka soo qeyb galaya wafuud ka socda beesha caalamka, oo goob joog ka noqonaya war murtiyeedka laga soo saarayo shirka.
Shirka labaad ee dib u heshiisiinta ayaa lagu qabanayaa magaalada Kismaayo, kaasoo lagu dhameystiri doono maamulka KMG ah ee Jubba.
Jowhar