Maalintii Labaad ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya shirweynaha dib u heshiisiinta shacabka Jubbooyinka, iyadoo ajandaha looga hadlayo maantana uu yahay hishiiskii Adis’ababa iyo doodo loo qabanayo ergooyinka.
Shirweynaha nabadeynta shacabka Jubbooyinka oo shalay ka furmay Muqdisho ayaa maalintii Labaad ka soconaya Muqdisho waxaana ajandaha shirka ee maanta uu yahay in ergada shirka ka qeybgaleysa loo turxaan bixiyo loona faahfaahiyo heshiiskii Adis’ababa ay ku kala saxiixdeen dowlada iyo maamulka KMG ah ee Jubba.
Shirka ayaa waxa shir gudoominaya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ahna gudoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka C/kariin Xuseen Guuleed wuxuuna sheegay in qeybta hore ee shirka ergada loogu faahfaahin doono heshiiskii Adis’ababa Ajandaha labaad ee shirkana uu noqon doono doodo loo qabanayo ergada ka qeybgeleysa shirka.
Shirka ayaa waxaa shalay furay R/wasaaraha Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon waxaana ka qeybgalaya boqolaal ergo ah oo ka kala socota deegaannada Jubbooyinka, waxaana ay dad badani quud dareynaynayaan iney ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo shacanka Jubbooyinka u herseeda nabad iyo horumar.