Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saxiixay mashruuc ay maalgelinayaan dowladaha Britain iyo iyo Denmark oo afarta sano ee soo socota wax looga qabanayo baahiyaha guud ee ka jira deegaannada maamulkaas.
Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan mashruuca, isagoo u mahadceliyay dowladaha maalgelinaya.
Wasiirka maaliyadda ee maamulka Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in lacagta mashruuca loogu deeqay ay ku dhici doonto qasnadda wasaaradda maaliyadda si wax looga qabto baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaannada ay maamusho Somaliland.
Saxiixa mashruuca waxaa goobjoog ka ahaa danjireyaasha dalalka Britain iyo Denmark u fadhiya Kenya.
Bar-kulan