Sirdoonka Puntland oo qabtay labo nin oo Faransis & Ingiris ah

0
904

MadaxtooyadaPuntland20130417Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo shalay galab shir jiraad,id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa sheegay in sirdoonka Puntland ay Khamiistii lasoo dhaafay qabteen labo nin oo ajnebi ah.kuwaas oo uu sheegay wasiirku inay ku jireen howlo basaasnimo iyo dhac la xiriira sida uu yiri khayraadka Puntland, labada nin oo u kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska ayuu wasiirku sheegay in ay Puntland ka sameysteen shabakad -sida uu tilmaamay- ka shaqeysa basaasnimada, islamarkaana si qarsoodi ah ula bixi jirtey macaadinta qaaliga ah ee dhulka laga soo saaro.

Khaliif Ciise Mudan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in labada nin ee ajnebiga ah oo ay la shaqeynayeen dad badan oo Soomaali ahi ay markii hore dalka kusoo galeen qaab urur samafal oo aan dowli ahayn, haseyeeshee dababagal dheer kadib la ogaaday in ay si qarsoodi ah u wadaan hawlo badan oo sharci darro ah.

“Nimankani waxay Puntland kusoo galeen qaab NGO…ciidamada sirdoonka oo ka shekiyey ayaa muddo baaritaan ku waday waxaa la ogaaday inay sameynayaan wixii ay dalka u yimaadeen wax aan ahayn oo ay basaas ku hayaan hay’adaha dowladda iyo ciidamada, ayna guranayaan khayraadka dabiiciga ah sida dhagaxyada macdanta ka sameysan” ayuu yiri Wasiirka amniga Puntland.

Wasiirka oo la weydiiyey xilliga ay nimankani dalka soo galeen, wuxuu sheegay in Puntland ay yimaadeen bishii April ee lasoo dhaafay, iyagoo kusoo galay qaab NGO, sheegayna in Puntland ay kala shaqeyn doonaan arrimo ay kamid yihiin tababarka ciidamada, su’aal kale oo ahayd yaa siiyey ruqsadda ay dalka kusoo galeen? Wuxuu Khaliif Ciise isagoo ka jawaabaya yiri “Wasaaradda amniga ayaa u fududeysay in ay dalka soo galaan…dukumiintiyadii ay soo gudbisteen waxay ahaayeen kuwo saxan, sidaas ayaa fiisaha loo siiyey, kadib ayey wejigan kale lasoo baxeen.

Ugu dambeyntii wuxuu wasiirka amniga ee Puntland sheegay in labada nin uu weli baaritaan ku socdo, wixii macluumaad ah oo baaritaankaas kasoo baxana ay dowladdu dib warbaahinta uga soo gudbin doonto, horay waxaa Puntland loogu xiray dhowr qof oo ajnebi ahaa kuwaas oo lagu eedeeyey in ay qaab aan sharci ahayn dalka kusoo galeen, haseyeeshee falalka loo soo qabtay labadan nin ee u kala dhashay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa ah kuwo aan horay Puntland uga dhicin.

Warkii