Inaalillaahi Wa Inaa Ilayhih Raajicuun
Ilaahay ha u naxariisto siyaasigii ruug caddaaga ahaa Mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo Mar dhawayd ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Qaybe waxa uu ahaa nin umada somaliyeed taariikh fog ku lahaa waxana xilkii ugu dambeeyay ee uu ka qabto somaliland uu ahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo uu noqday, waxana uu sanadahan dambe u jiifay xanuun maadama oo uu noqday nin weyn oo waayeela.
hadii aanu nahay Bahda shabakada somaliweyn.com waxa aanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Qaybe isagana naxariistii jano alle ha siiyo.
Somaliweyn.com
INNAA LILAAHI WA INAA ILLAHAY RAAJACUUN
Diblomaasiyiintii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda, hoosta ku qoran waxay tacsiyadeynayaan lsmaciil Moxamed Adan oo xalay 25-11-2013 ku geeryooday magaaladda Hargeysa/ somaaliland, walaalkiisa Danjire Axmed Moxamed Adan annagoo aad ugu tiiraneysan geeridaas naxdinta leh. ayaan halkan tacsi taa la mid ah ugu direynaa Qoyskii iyo Qaraabadii iyo dhammaan Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda kuwa ku nool dalka gudihiisa iyo kuwa Dibadda ku nool.
Danjire Axmed Moxamed Adan (Qaybe)oo ku lahaa taariikh dheer Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, kana soo noqday Danjire dalal badan, sida( USA, Soviet Union, U.K. Somali Permanent Mission to U.N.). Da njire Axmed Moxamed Adan wuxuu ahaa Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ugu dambeeyey, 1991, inta aanu dhicin burburkii.
kaddib, wuxuu u wareegay ee uu deggay Hargeisa/ Somaaliland halkaasina wuxuu ka noqday Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Dawladii Marxuum Moxamed Ibraahim Cigaal.
Waxayna marxuumka Allahe uga baryayaan in uu u dembi dhaafo una naxriisto
Jannadii Fardowsana ka waraabiyo. Samir iyo iimaana Eebbe ka siiyo qoyskii, eheladiisa iyo bahba Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Aamiin, Aamin, Aamin.
1. Danjire Maxamed Shariif Maxamuud
2. Danjire Maxamed Cusmaan Cumar
3, Danjire Maxamed Axmed Caalim
4. Cali Shire Cigaal
5.Adan Maxamed Jaamac
6.Cabdi Salaad Cali
7.Sureer Abshir Muuse
8. Caasha Xaaji Xaashi
9. Xasan Maxamed Axmed (Turki)
10. Xuseen Maxamuud Maxamed
11. Xildhibaan Xuseen Maxamed Cali (Dakharre)
12. Faaduma Cusmaan Taabit
13. Maxamuud Dhabacadeeye
14. Mukhtaar Sheikh Cabdulrizaq
15. Maxamed Ibraahim Cabdulle
16. Cabdullahi Maxamed Xasan (Dante)
17. Maryam Maxamuud Salxaan
18. Faaduma Maxamed Cusmaan
19. Caasha Cali Xalane
20. Xasan Barre
21. Sheikh Adan
22. Xuseen Xaaji Muxyiddiin
23. Daahir Baana.