Warbixin ay soo saartay hay’adda dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee MSF ayaa waxay ku sheegtay in qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool badankood ay cabsi qabaan inay kusoo laabtaan dalka Soomaaliya sababo la xariiora dhanka amaanka.
Warbixintaan waxay hay’addu ku sheegtay in waraysiyo ay ka qaaday dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee Kenya ay kala bar muujiyeen wal wal ay ka qabaan inay Soomaaliya kusoo laabtaan sababto ah waxay walaaca ugu badan ka qabaan dhanka amaanka iyo helista adeegyada aas aaska u ah nolosha bini’aadamka.
Agaasimaha qeybta howlgalka ee hay’adda MSF Jean-Clement Cabrol oo war saxaafadeedkaan soo saaray ayaa waxaa uu leeyahay xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin 400,000 oo ruux oo qaxooti Soomaali ah u badan into badan kuma niyad sama inay Soomaaliya kusoo laabtaan.
“Cidna ma jecla inay qaxooti ahaato hase ahaatee dhibaatooyin jira ayay dadkaan wal wal u qabaan” ayuu yiri Jean-Clement Cabrol, waxaana uu intaa ku daray inay muhiim tahay in la sameeyo qorshe lagu hubinayo amaanka qaxoootiga iyo xaalad uu ku sii socon karo gar gaarka ay hadda helaan.
Sargaalkaan ka tirsan hay’adda MSF waxaa uu talo ahaan usoo jeediyay in rarista qaxootiga Soomaaliyeed aan awood loo adeegsan oo ayaga la talo galiyo sida uu qabo.
Dawladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda Q,M u qabilsan dhanka qaxootiga ee UNHCR ayaa bilowgii bishaan ku hishiiyay in dib dalka loogu soo celiyo qaxootiga ku nool wadanka Kenya ee xeryaha ku jira.
Somaliweyn