Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixanaya heshiis dib loogu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed

0
927

Heshiis saddex geesood ah oo dib loogu celinayo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha qaxootiga dalka Kenya ayaa waxaa maanta kala saxiixanaya dowladda Soomaaliya, Kenya iyo Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

Kulanka ka dhici doona maanta magaalada Nairobi ayaa waxaa ka qeyb geli doona Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Aadan, Wasiirada Arrimaha dibada Kenya Aamino Mohamed, saraakiil ka socota UNHCR, iyadoo goob joog uu ka noqonayo Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Safiirada dalalka deeqaha bixiya oo gacan ka geysanaya dib u laabashada qaxootiga oo dhaqaale loogu deeqi doono sidii dib u dejin ay ugu sameysan lahaayeen.

Heshiiskan ayaa waxaa uu keeni doonaa in qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya inay iskood dib ugu laabtaan dalkooda, waxaana lagu wadaa in la siiyo lacago ay dib ugu bilowdaan noloshooda.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa sheegay in bilowgii sanadkan dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay ka hadleen sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku dhaqan dib loogu celin lahaa Soomaaliya.

Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab ayaa ah xerada ugu weyn Aduunka, halkaasoo ay ku nool yihiin Nus milyan ruux.

Tan iyo wixii ka dambeeyey weerarkii ka dhacay xarunta Westgate ee Nairobi bishii Septembar, waxa isa soo tarayey baaqyadda ku aadan in qaxootiga ay dib ugu laabtaan Soomaliya, kadib markii dowladda Kenya ay ku eedeysay in weerarkaas laga soo abaabulay xeryaha qaxootiga.

Jowhar

fowsiya20130905_3