Taliyaha Ciidamada Jabuuti oo kahor yimid amar kasoo baxay maamulka G.Hiiraan

0
996

TaliyahaCiidamadaDjabuutiHiiraanTaliyaha Ciidamada Djabouti ee ku sugan magaalada B/weyne, islamarkaasna qaybta ka ah Howlgalka AMISOM, Col. Cismaan Dubad Rooble, ayaa si aad ah uga hor yimid, amar horay uga soo baxay maamulka G.Hiiraan, kaasoo ahaa in dadka aan u dhalan Gobolka Hiiraan, ay mudo 48 Saac gudahooda uga baxaan magaalada B/weyne.

Col.Cusmaan Dubad, ayaa sheegay in Shacabka lagu amray ineey isaga baxaan magaalada B/weyne, ay yihiin shacab Soomaaliyeed, islamarkaasna uu aad uga xunyahay Hadalka kasoo yeeray maamulka G.Hiiraan.

“Dadka lagu amray inay 48saac gudahood uga baxaan deegaanada gobolka Hiiraan waa shacab Soomaaliyeed gobolka Hiiraanne wuxuu ka tirsan yahay gobolada dalka Soomaaliya, hadalkaas waa min aad looga xumaado maamulka gobolka Hiiraan aad ayuu ugu qaldan yahay inuu gobolkaas ka saaro shacab Soomaaliyeed.ayuu yiri taliyaha ciidamada Jabuute ee gobolka Hiiraan Col.Cusmaan Dubad.

Col. Cismaan Dubad, ayaa sheegay ineey aad u adkeeyeen Amaanka magaalada B/weyne, islamarkaasna ay dhowr jidgooyo dhigeen isgoysyada magaalada, iyo wadooyinka laga soo galaba.

Hadalka kasoo yeeray Taliyaha Ciidamada AMISOM ee G.Hiiraan, ayaa imaanaya xili maalmo kahor maamulka Gobolka Hiiraan, ay amar ku bixiyeen in dadka aan u dhalan G.Hiiraan, ay isaga baxaan magaalada B/weyne, hadalkaasoo wadno qabad ku noqday dad farabadan oo ku nool halkaas.

Midnimo