Tirada dadkii ku dhintay duufaantii deegaanada bari ee Puntland oo laga cabsi qabo inay gaarto 300-ruux

0
913

RoobabPuntland20131112Ilaa 140-ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen duufaantii wadatay roobabka ee ku dhifatay deegaanada waqooyi bari Puntland, iyadoo laga cabsi qabo in dhimashado ay gaarto ilaa 300-ruux.

Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah deegaanada dhibaatadu ka dhaceen, iyagoo ugu baaqay beesha Caalamka in gar gaar deg deg ah lala soo gaaro dadka ku go’doonsan wali deegaanada.

Kumanaan xoolo ah ayaa sidoo kale ku dhintay duufaanta roobabka wadatay, halka boqolaal qoys ay ku guryo beeleen duufaanta Cyclone la yiraahdo ee ku dhifatay xeebaha bari.

Roobabka xooganaa ee ka da’ay deegaanada ayaa watay daadad xoog leh oo keenay inuu qaado guryo badan, xoolo iyo dad fara badan, kuwaasoo wali la la’yahay raqdooda.

Deegaanada uu ku dhiftay duufaanta Cyclone ayaa waxaa ka mid ah Eyl, Beyla, Dangorayo, Xaafuun iyo Caluula.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku baaqday in loo gurmado deegaanada ay dhibtu ka dhaceen, iyagoo ugu deeqday ilaa Hal Milyan Dollar oo gar gaar ah.

Jowhar