War saxafadeed: Odeyaasha reer banaadir ee boqortooyada ingiriiska oo cambaareeyey dilkii marxuum Prof. Maxamud Kulow Awes

0
1004

MarkaOdeyaasha Reer Banaadir oo deggan dalka Boqortooyada Ingiriiska waxay si xoogleh u cambaareynaayaan dilkii Prof. Maxamuud Kuulow Aweys oo lagu dhilay magaaladda Marka ee Shabeelada Hoose.

Prof. Maxamuud Kuulow waxuu macallim ka ahaa Jaamacadda Plasma ee Marka, Shabeellada Hoose.

Waxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqaayaan in ay maxkamad keenaan gacan-ku-dhiiglayaasha geestay dembigaas. Qofna xaq uma laha in uu naf-dadood dilo, Eebbana cafimaayo, sida uu ku caddeeyay Qur’aankiisa Kariimka ahaa.

Sida la ogsoon yahay, Gobolka Shabeelada Hoose waa degaan ka tiran Banaadir waana marag ma doonto, maxaa yeelay dhulalka xeebaha leh, dadka leh waxay hanti ma guurto ah ku leeyihiin xeebaha. Soomaalida waa taqaan taariikh ahaan reer walba halka ay degaan.

Si dalka u badbaado, dadkana nabad u helaan, Odeyaasha Reer Banaadir ee Boqortooyada Ingiriiska waxay Dawladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqaayaan in, sida ugu dhaqsaha badan, ay wax uga qabato dembiyadaan qorsheysan oo lagu cirib tiraayo dadka aqoonta leh.

Ugu damebeystii Odeyaasha Reer Banaadir ee Boqortooyada Ingiriiska waxay tacsi u diraayaan eheladii uu ka geeriyooday marxuum Prof. Maxamuud Kuulow Aweys in Ilahay uu ka waraabiyo jannada anagana samir iyo iimaan naga siiyo.

Wabillaahi At-Towfiiq

ODEYAASHA REER BANAADIR EE BOQORTOOYADA INGIRIISKA