Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya oo ka hadashey ku Biirida Ethiopia ee AMISOM

0
957

Fowsiya20131104_3Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadalka kasoo yeeray Dowladda Ethiopia ee ku aadan inay ku biirayaan ciidanka AMISOM ee gudaha dalka Soomaaliya ka howlgala.

Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam oo la hadashay Idaacada BBC-da, ayaa sheegtay in hadii ciidamada Ethiopia ay kusoo biirayaan kuwa AMISOM ay soo dhaweynayaan.

Wasiir Fowsiya waxa ay sheegtay in ciidamada Ethiopia iyaga oo aan kamid aheyn kuwa AMISOM, hada Soomaaliya ay ku sugan yihiin muddo fogna ay ku sugnaayeen,iyadoon aysan jirin cid ku maalgelinaysa joogitaanka Soomaaliya.

“Hadii ay AMISOM ay kamid noqdeen maanta micnaha waa laga kafaala qaatay qarashka mudada dheer kusocday, taariiqdii hore ee Ethiopia iyo Soomaaliya waqtigii cakirnaa waa ay soo gudbeen waa laga gudbay arimahaasi”Ayeey tiri Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa ammaantay Dowladda Ethiopia doorka ay ka qaadatay hanaanka Siyaasada Soomaaliya, waxaana ay tusaale usoo qaadatay doorka Dowladda Ethiopia ee ku aadan shirkii Jubbooyinka ee Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.

Ciidamada Ethiopia ayaa horay loogu eedeeyay markii ay Soomaaliya soo galeen 2007-tacadi ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ay ka geysteen Gobalada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho.

 

Warkii