Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka oo ka Jawaabay hadal ha soo yeeray Mas’uuliyiinta Somaliland “Dhageyso”

0
841

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukumada Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeerey ma’suuliyiinta maamulka Somaliland ee ku aadana in dowlada Federaalku ay faragelin ku hayso maamulkaasi.

Mudane C/kariin Xuseen Guuleed oo shir Jaraa’id u qabtay saxaafadda ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadal ka soo yeeray wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland kaas oo ku saabsanaa in madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu caqabad ku yahay nabadgelyada Somaliland iyo inuu ka shaqeeynayo sidii loo kala furfuri lahaa maamulkaasi.

“runtii aad iyo aadbaan ula yaabnay haddaan anahay dowlada Soomaaliyeed hadalkaas ka soo yeeray mas’uulkaasi sare ee ka tirsan maamulka Somaliland, hadalkaasi waa mid aad iyo aad loola yaabo maxaa yeelay dowlada Soomaaliyeed mas’uuliyaddeeda guudbaaba waxey tahay sidii dadka Soomaaliyeed ay nabad gelyo iyo xasilooni ugu soo dabbaali laheyd waajibka naguna waa in aan ka shaqeyno sidii loo sii hormarin lahaa nabadgelyada ka jirta deegaannada xasiloon ee maamullada Somaliland iyo Puntland’’ ayuu ku yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa shacabka iyo maamulka Somaliland ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen dhinaca nabadda iyo horumarka wuxuuna tibaaxay in arrintaasi ay farxad gelineyso dowlada, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladu aysan marnaba caqabad ku noqoneyn nabadda Somaliland.

Dhanka kale wasiirka ayaa soo hadalqaaday wadahadaladii u socday Dowladda iyo maamulka Somallind oo uu tilmaamay iney qabsoomeen dhowr mar haddana ay marayaan heer wanaagsan wuxuuna carrabka ku adkeeyay wasiirku in hadalkan oo kale uu dhibaato ku yahay isfahamkii iyo wadahadaladii u socday labada dhinac, wuxuuna tilmaamay in heshiiskii labada dhinac uu ka mid ahaa in la joojiyo wax kasta oo wax u dhimi kara wadahadalada, isagoo maamulka Soomaaliland usoo jeediyay in arrimahan oo kale aysan ku habooneyn walaalnimada.

Radio Muqdisho

CabdikariimGuuleed