Gudiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta su’aalo ka weydiiyay Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan sababaha ay isu casishay Gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar.
Kulankan oo qeyb ka ahaa kulamada gudiyada baarlamaanka ay su’aalo ku weydiiyaan hey’adaha xukuumada ee ay la xisaabtamaan ayaa wasiirka Maaliyada la weydiiyay ilaa saddex su’aalood.
Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka wax laga weydiiyay waxa ka jira musuq maasuqa ay isku casishay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe Yusuf Abraar oo xilkan heysay labo bilood kaliya.
Saxaafada ayaa dibad joog ka aheyd xilliga la weydiinayay su’aalaha, iyadoo markii kulanka soo dhamaaday ay saxaafada ka warbixiyeen Wasiirka iyo Gudoomiyaha gudiga Maaliyada.
Gudoomiyaha Gudiga Maaliyada ee Baarlamaanka Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer ayaa faah faahin ka bixiyay su’aalaha ay weydiiyeen Wasiirka, isagoo tilmaamay inuu wasiirka si wanaagsan uga jawaabay.
“Marka ugu horeysay waxaa Wasiirka wax laga weydiiyay gabadhii is casishay ee Gudoomiyaha Bankiga dhexe aheyd sababta is casilaadeeda, waxa sababay maxaa kala socotaa ayaa weydiinay Wasiirka”ayuu yiri Sheekh Aadan Madeer oo wariyeyaasha la hadlayay.
Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleymaan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa dhinaciisa ku gaabsaday in saddexdii su’aalood ee la weydiiyay uu ka jawaabay, isla markaana uu kulanka ku soo dhamaaday jawi wanaagsan muddo labo saac oo uu socday.
Gudoomiyihii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Yusur Abraar ayaa 30-kii bishii hore warqad istiqaalad u gudbisay Madaxweynaha Soomaaliya 7-isbuuc kadib markii xilkaas loo magacaabay, waxaana wararka ay sheegayaan inay isu casishay arrimo la sheegay musuq maasuq dowladda dhexdeeda.
Yusuf Abraar ayaa ku sugan magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo ay warbixin ku siin doonto Midowga Yurub arrimaha is casilaadeeda iyo musuq maasuq la sheegay in dowladda ka dhex jiro, gaar ahaan sida lagu maareeyay lacago ay dowladda deeqo ahaan u heshay, iyadoo horgeyn doonta Documentiyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa culeys weyn ku ah is casilaada Gudoomiyihii Bankiga Dhexe iyo hadii ay ku dhawaaqdo in musuq maasuq baahsan uu ka dhex jiro dowladda dhexdeeda.
Jowhar