Xaalad degenaansho ayaa saaka ka jirta deegaanada duleedka bari ka xiga magaalada Jowhar, kadib dagaal lagu hoobtay oo labo maleeshiyo beeleed shalay ku dhex maray.
Sida ay sheegayaan wararka deegaanka Geeda Barkaan iyo tuulooyinka ku dhow dhow ayaa waxaa saaka ka socda aasida meydadka dadkii shalay ku dhintay dagaalka.
Dadka deegaanka oo shalay ka firxaday dagaalka ayaa xalay fiidkii dib u soo laabtay, kuwaasoo bilaabay inay uruuriyaan meydadka dad iyagoo carayay rasaas ku haleeshay duurka.
Wararka ayaa sheegaya in ilaa 18-ruux ay gaartay dhimashada, dhaawacana aan tiro la heyn, mana jirto ilaa iyo hada dhaawacyo la soo gaarsiiyay isbitaalka.
Qoysas fara badan ayaa ka barakacay deegaanada bariga ah ee Jowhar, halkaasoo ay xiisado dagaal wali ka jirto.
Waxaa soo baxaya baaqyo loo jeedinayo dhinacyada dagaalamaya, waxaana odayaal, waxgaradka ku sugan Jowhar ay ku baaqeen in si deg deg ah dagaalka loo joojiyo.
Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalada dib u soo cusboonaaday, waxaana uu labada dhinac ugu baaqay in si shuruud la’aan dagaalada ku joojiyaan.
Dagaaladan oo salka ku haya muran dhul beereedyo ku yaal deegaanada bari ee Jowhar ayaa soo jiitamayay saddexdii sano ee u dambeeyay, iyadoo shalay uu dhacay dagaalkii u horeeyay oo fool ka fool ahaa oo labada beel dhex mara, kadib weeraro si gaadmo ah labada dhinac isugu kala qaadayeen deegaanada ay degaan.
Jowhar