Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in 3 qof oo uu ku jiro taliye ku-xigeenkii Xabsiga Dhexe ee Boosaaso ay ku dhinteen weerar ay maleeshiyo hubeysan xalay ku qaadday xabsiga.
Waxaa weerarka lagu dhaawacay taliyaha xabsiga.
Warar kale ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhaawacmeen weerar kale oo isla xalay lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Boosaaso, kaas oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro.
Kooxda weerarka qaadday oo loo maleynayo in ay Al-Shabaab tahay ayaa la rumeysan yahay in ay doonaysay in ay xabsiga ka sii dayso xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku xiran Xabsiga.
Weerarka ayaa loo adeegsaday baasuukeyaal, qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo bambooyinka gacanta laga tuuro.
Xabsiga Dhaxe ee Boosaaso waxaa ku xiran maxaabiis lagu eedeeyay dambiyo kala duwan sida; burcad badeednimo iyo argagixiso.
Bar-kulan