Ururuka alshabab ee dagaalka xoogan kula jira dowlada soomaliya ciidanka midawga africa ee Amison ayaa waxaa ay amar ka soo saareen Mobelada casriga ah ee hada soo baxay sida Samsung Gaxly iyo I Phone iyo waliba Blackbarey oo hada aalada hada soo baxday.
Ashababa ayaa meelaha ay ka taliyaan sida Baraawe, Ceelbuur, Buulobarde waxaa ay ka mamnuceen mobelada aan kor ku soo xusnay waxaan la sheegay in alshabab ay cabsi weyn ka qabaan moboladan casriga ah iyagoo ka cabsanaya in lagu basaaso.
Dadka wato mobeladas ayaa waxaa alshabab ay oga digayeen in aysan mar danbe soo qaadan ama aysan isticmaalin hadii kale laga la wareegayo.
Tan iyo markii dhawaan weerar fashilmay lagu soo qaaday magalada Baraawe kaas oo ay ka danbeyeen ciidamada wadanka Mareeykan ayaa alshabab waxaa ay sheegen in mobeladas lagu hago diyaaradaha cidna aysan wadin.
Warkii