Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta dood kulul ka yeelanaya Mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul Wasaaraha

0
1147

xildhibaanadaBarlamaanka20131124_8Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah dood kulul ka yeelanaya mooshinka laga keenay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon, kaasoo ah mid codka kalsoonida loogu qaadayo.

Mooshinkan oo todobaadkii hore ay soo gudbiyeen ilaa 168-xildhibaan ayaa waxaa maanta laga hor aqrinayaa Xildhibaanada baarlamaanka, waxaana kadib loo guda geli doonaa dood uu Gudoonka dhex dhigi doono Xildhibaanada.

Ammaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoo la xiray wadada hor marta Xarunta Golaha Shacabka iyo Masaajidka Isbaheysiga, halkaasoo lagu arkayo Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay fariimo qoraaleed loo diray lagu wargeliyay in kulanka baarlamaanka ay soo xaadiraan ka hor 9-ka subaxnimo, isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan kooramka la soo buuxiyo.

In ka badan 200 xildhibaano ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo tan iyo markii uu soo if baxay khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay dalka dib ugu soo laabanayeen Xildhibaanada maqnaa.

Xildhibaanada mooshinka ka keenay Ra’iisul wasaaraha oo shalay kulan qado ku yeeshay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho ayaa ku goodiyay in codka kalsoonida ay kala noqonayaan Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan.

Sidoo kale Xildhibaanada taageersan Ra’iisul wasaaraha ayaa dhinacooda dadaal ugu jira sidii ay u difaaci lahaayeen, iyagoo sheegay in mooshinka uu yahay mid sharci daro ah, isla arkaana aanay gudbin tiro sax ah.

Kulanka maanta ayaa laga cabsi qabaa inuu buuq iyo fowdo ka dhasho, waxaana Xildhibaanada iska soo horjeeda ay ahaayeen kuwo saacadihii la soo dhaafay diyaar garow ballaaran ku jiray.

Jowhar